Waa maxay WorkSource Oregon?

WorkSource Oregon waa iskaashi gobolka oo dhan ka jira ayay la leedahay Waaxda Shaqada ee Oregon iyo hay'adaha gobolka, deegaanka, iyo kuwa aan faa'ido doonka ahayn. Waxaan siinaa adeegyo iyo tababaro kala duwan shaqodoonka iyo shaqobixiyeyaasha Oregon.

Worksource Oregon waxay ka caawisaa dadka inay shaqo helaan ganacsiyaduna helaan xifadyaqaan.

Shaqodooneyaasha

Haddii shaqada lagaa joojiyay, haddii aad dooneysid isbeddel xirfadeed, ama aad raadineyso shaqada ugu horreysay, WorkSource waxay kugu beegi kartaa shaqooyinka aad ku fiicnaan lahayd oo jeceshahay inaad sameyso. Waxaad kaqeybqaadan kartaa aqoon isweydaarsiyo ku saabsan taariikh xirfadeedka, xirfadaha kumbiyuutareed, wareysashada, iyo wax badan. Waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan bixino lacagta tababarka si aad u horumarisid xirfadaada. Waxaana kugu xiri karnaa dhigaalo kale si aad uhesho taageero dheeraad ah markaad raadineyso shaqo ama aad marayso tababar ama waxbarasho.

Ganacsiyada

WorkSource Oregon waxay kaa caawin kartaa inaad hesho xirfadyaqaan, lacag dhaqaaleysato, oo kobciso ganacsigaaga. Waxaan gacan ka geysanaa xirfadyaqaanada gaarka ah iyo kuwa guud. Waxaan aqoonsanaa canshuur dhimista suurtagalka ah waxaana kula wadaagi doonaa gunnada suuqa ugu fiican si aan kaaga caawino soo jiidashada iyo raajinta shaqaalaha tayada leh. Oo WorkSource waxay kaa caawin kartaa inaad kobciso shaqaale xirfad leh--iyo kor ugu qaadida xirfadaha shaqaalahaaga hadda jira--tababar shaqo, tababar shaqaale, iyo xulashooyin tababar. Waxaan kaa caawin karnaa bixinta kharashaadka tababarka.

Shaqodoonka iyo ganacsiyadu waxay ka heli karaan adeegyo barta worksourceoregon.org ama mid ka mid ah 39 goobood ee aan ka joogno.

Daraasado ayaa muujinayo in dadka isticmaalo adeegyada WorkSource ay u badan tahay inay u helaan shaqo si dhakhso ah oo ay u kasbadaan lacag ka badan marka lala barbardhigo dadka aan isticmaalin

Si aad u hesho caawimaad qof-ka-qof ah markaad raadinayso shaqo ama ganacsigaaga, la xiriir WorkSource Oregon maanta.